Kaalinta ay Soomaaliya kaga jirto liiska dalalka ugu halista badan 2020

Image

LONDON, UK – Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamadda ugu khatarta badan aduunka sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Cilmi baaristaan oo heerar kala duwan leh laguna daabacay wargeyska Daily Mail ayaa waxaa sameeyay Travel Risk Map.

Qiimeynta ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday dhanka wadooyinka, ammaanka iyo arrimaha halista ah ee dhinaca caafimaadka.

Guinea, Sierra Leone, Liberia, Yemen iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxaa lagu qeexay wadamada ugu khatarta badan dhinaca caafimaadka.

Soomaaliya, Afghanistan, Syria, Yemen, Iraq si lamid ah qaybo kamdi ah Nigeria ayaa lagu sifeeyay kuwa ugu halista badan ammaanka.

Sidoo kale, dhanka badqabka wadooyinka ayaa wadamada ugu halista badan waxaa lagu sheegay Belize, Dominican Republic iyo Saudi Arabia.

Ugu dambeyntii, cilmi baareyaasha ayaa waxay dalalka; Finland, Norway iyo Iceland ay yihiin kuwa ugu ammaanka wanaagsan guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM