Talaabada laga gaabiyey ee sahli karta joojinta dhaqaalaha Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa u baahan in ay hanato kalsoonida shacabka si ay dhaqaalaha uga jarto Al-Shabaab, sidda uu kula taliyey falanqeeye dhanka ammaanka iyo sarkaal sirdoon.

C/salaan Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa sheegay in joojinta ilaha dhaqaalaha Al Shabaab ay fure u tahay in lagu guuleysto dagaalka lagula jiro mintidiinta.

Waxa uu sheegay in aan shaki ku jirin in kooxdan ay lacag ka hesho canshuuraha Caasimadda iyo Dekedda, isla markaana dowladda looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal wax looga qabanayo arrimahaasi.

"Dadka lacag uma siiyaan Al-Shabaab in ay jecel yihiin balse cabsi ayaa ku kalifeyso," ayuu hoosta ka xariiqay Guuleed oo ah aas-aasaha shirkadda arrimaha amniga ka shaqeysa ee Eagle Ranges Services.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Dowladdu waxay u baahan tahay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah shacabka ayaa og halka Al-shabaab ay dhaqaalaha ka helaan iyo shirkadaha taageera kooxdaas".

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in Al-shabaab la siiyo canshuuro iyo lacago sharci darro ah, balse Soomaalida ayaa sheegay in mas'uuliyiinta aysan damaanad qaadi karin ammaankooda haddii aysan bixin.

Guuleed ayaa waxa uu sheegay in maleyshiyaadka Al-Shabaab ay isku milmeen ganacsiga, taasoo keentay "inay adag tahay in laga go'doomiyo ganacsatada kale".

"Ganacsatadda qaarkood ma oga in ay la macaamilayaan Al-Shabaab hase ahaatee qaarkood ayaa u bareera iyaga oo og," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Guuleed oo la hadlay Idaacadda VOA-da.

Hakinta qulqulka maaliyadeed ee Al-Shabaab ayaa safka hore kaga jirta istaraatiijiyadda cusub ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay meesha uga saarto jirtaanka xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM