Kaamirooyin DF ku rakibtay jidadka Muqdisho oo qarax lagu burburiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah kaamirooyinka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku rakibtay wadada Maka Al Mukarama ayaa lagu waramay in lagu burburiyey qaraxyo.

Kaamirooyinka la beegsaday ayaa la tibaaxay in ay yihiin qaarka lagu dhejiyay agagaarka isgoyska Dabka, gaar ahaan illaa iyo afar xabo.

"Mid kamid ah Kaamirooyinka la bartilmaameedsaday ayaa ku yaala nawaaxiga Hotel Maka Al Mukarama," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in burburinta ay u muuqato mid loo adeegsaday Miinooyin lagu xiray tabeelayaasha xambaarsanaa CCTV-yadda oo loogu talagalay sugitaanka amniga.

"Shan illaa iyo lix qarax ayaan maqalnay aroortii hore ee saaka [Khamiis, 30, Janaayo, 2020]. Markii aan dibada u soo baxnay waxaan aragnay kaamirooyin burbursan," ayuu raaciyey.

Hay'adaha ammaanka xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaanan wali fahfaahin ka bixin dhacdadaan.

Al-Shabaab, oo ah urur gacansaar la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida, ayaa looga bartay falal liddi ku ah nabad-gelyada.

Kaamirooyinkaan oo lagu xiray badi waddooyinka muhiimka ah ee gala Madaxtooyadda Qaranka ayaa laga maamulaa xarunta hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM