Kadib dagaalkii xalay, waa sidee xaalada Cadaado?

Image

CADAADO, Soomaaliya - Xaalada magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa degan kadib iska hor-imaad xalay ku dhexmaray Madaxtooyada ciidamo kala taabacsan madaxa is-khilaafsan ee maamulkaasi.

Iska horimaadka ayaa ka dambeysay markii ciidamo daacad u ah Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, uuna hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Shire, ay isku dayeen inay xoog ku galaan gudaha Madaxtooyada.

Ciidamada kale ee horey ugu sugnaa Madaxtooyadda islamarkaana taabacsan garabka kale ee uu horboodayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey, ayaa kahor yimid kuwa wasiirka, taasi oo keentay dagaal inuu dhexmaro.

Is-rasaaseyn saacado socotay ayaa halkaasi ka dhacday, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen Qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo hubka fudud. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dirirtu, inkastoo aan tirada rasmiga la ogeyn.

Ciidamadii uu watay Wasiirka Maaliyadda Galmudug, islamarkaana daacadda u ahaa Madaxweyne Xaaf ayaa ku guuleystay inay gudaha ay u galaan Madaxtooyadda, iyadoo xabadda ay joogsatay.

Dadka reer Cadaado ayaa saaka iyo ilaa hadda si wayn u hadal-hayay dagaalka ka dhacay Madaxtooyadda Cadaado, waxayna is-weydiinayaan sida uu xaalka noqon doono, maadaama khilaafka uu wali sii kordhayo.

Isku dhacaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo uu meel xun marayo khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya awood qeysbiga maamulka Galmudug ee udhaxeeya hogaanka sarre ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo garabka isaga taageersan ayaa waxay ku sugan yihiin magaalada Dhuusamareeb, halka Garabka kale ee kasoo horjeeda ay ku shaqeynayaan Cadaado.

Xaaladda Galmudug ayaa ahayd mudooyinkii dambe mid kacsan, oo madaxdeeda ay is-khilaafsan yihiin, iyadoo Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku baaqayaan inay xaaladda la dejiyo, islamarkaana la wada hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM