Kala bedelka shaqaalaha ajnabiga Xalane oo lagu baaqay in la hakiyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya oo war kasoo saartay xaalada dalka ee Coronavirus ayaa ku baaqdey in la badiyo goobaha lagu baaro cudurka iyo xarumaha karantiilka.

Soo jeedintaas ayay u gudbiyeen dowladda federaalka ah oo ay sidoo kale ku booriyeen in ay wadashaqeyn dhow la yeelato hay'addaha dowlad goboleedyadda si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

Badinta xarumaha baarista iyo karantiilka ayay sheegeen in ay dardargelineyso dedaalada socda ee lagula dagaalamayo faafitaan horleh oo caabuqa uu ku sameeyo qeybo kale oo ka tirsan waddankeena.

Dhanka kale, waxay ku baaqeen in canshuur dhaaf loo sameeyo waxyaabaha daruuriga ah sidda raashiinka iyo in daryeel gaar ah loo sameeyo ciidamadda "si uusan u wiiqin amniga dadka iyo dalka".

Sidoo kale, waxay ku taliyeen in beesha caalamka laga codsado in ay hakiso kala bedelka shaqaalaha ajnabiga ah iyo ciidamadda howlgalka AMISOM "si looga hortaggo in caabuqa kasoo gudbo wadmo kale.

Dhawaqa kasoo yeeray Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa imaanaya xili kiisaska Covid-19 ee guud ahaan dalka ay gaartay lixdan kiis.

Laba kamid ah waxay ka tirsan yihiin howlwadeenada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxayna ku karantiilan yihiin isbitaal uu howlgalka Midowga Afrika maamulo.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa sheegay in bukaanadaas ay badi xaaladoodu "degan tahay" marka laga reebo saddex oo ay sheegeen in ay ku jiraan xarunta karantiilka una baahan yihiin daryeel gooni ah.

Hoos ka akhriso bayaaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM