Kala qeybsanaan ka dhalatay muddo u kordhina goleyaasha dowlada

Image
Siyaasiyiin oo qoraalo kala duwan soo saarey ayaa ka digay in xukun dheereysi laga fikiro xilligan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Sacdiyo Samatar ayaa guddi 10 xubnood ah u saaray in ay kasoo talobixiyaan wax ka badelka qodobo dastuurka ku saabsan, gaar ahaan qodobka muddo xilleedka goleyaasha dowladda.

Guddigan ayaa la siiyay muddo kooban oo maalmo ah in ay taladooda ku keenaan ka hor inta aanan baarlamaanka la horgeyn arrinkan si uu ugu codeeyo.

Waxau u guddoomiyaha sheegtay in 97 xildhibaan ay soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in muddo xilleedka afarta sano wax laga badelo, lagana dhigo muddo shan sano ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xildhibaanada ay ku kala qeybsameen qadiyaddan ayna jiraan qaar taageersan iyo tiro kale oo si weyn uga soo horjeeda mawduucan.

Siyaasiyiin xilal sarre kasoo qabtey oo caddeeyay moowqifkooda diidmada ee arrinkani ayaa ku baaqay in diiradda sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha kale ee dowladda sidda dhameystirka dastuurka.

Xubnahan oo qoraalo kala duwan soo saarey ayaa ka digay in muddo kororsi laga fikiro xilligan, taasi badelkeedana waqtiga lagu bixiyo waxqabad iyo wixii loo dhaartay.

Qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo xilleedka madaxweynaha iyo goleyasha kale ee dowladda ay noqdaan 5 sano. Hase ahaatee, waxaa haatan lagu dhaqmaa afar sano taasoo isla dastuurka dhigayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM