Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo lasoo gabagabeeyay

Image
Ajandaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Aqalka Hoose.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.

Aadan Madoobe dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan dowladnimada dalka.

Dhinaca kale, Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa waxay maanta iska doorteen Guddoomiye, Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha guddiga.

Doorasho oo ka dhacday Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa waxaa goob Joog ahaa Hab-dhowraha iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye XiI. Gen. Saadaq Cumar Xasan

Guddoomiye ku xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan.

Xoghaye Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ee ka kooban labada Aqal ayaa balan qaaday in ay dadaal dheer ah ku bixin doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee Walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM