Keating iyo Wafdi ka socda DF oo gaarey Galkacayo [Ujeedka]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa saaka gaarey magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug, siday Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Maamulka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo saraakiil ciidan ayaa Gaalkacyo kusoo dhaweeyay wafdiga Ketaing oo uu ku jiro Taliyaha ciidamadda Booliska, Janaraal Cabdi Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed iyo xubno ka socda dowladda 

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa wuxuu yahay inay kormeer ku sameeyeen xeryaha ciidamadda isku dhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo loo sameeyay sugida Nabad-galyada guud ahaan caasimada goboleedka Mudug.

Inta ay ku sugan yihiin Galkacayo ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan ay la yeesheen masuuliyiinta heer gobolka iyo heer degmo, iyagoo kala hadli doono xaaladihii ugu dambeeyay ka jira guud ahaan gobolka, gaara ahaan Magaalada Galkacayo.

Safarka Keating iyo Taliye Bashiir ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan magaaladda ay ka dhaceen dilal, kuwaasoo la sheegay inay la xiriiraan anooyin Qabiil, lamana ogga hadii ay soo dedejisay safarka Wafdiga arrintaas.

Magaaladda Galkacayo ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacan ku haynteeda isku hayay maamulada Puntland iyo Galmudug, inkastoo hadda xal waara laga gaaray, kadib wadahadalo ay gar-wadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM