Keating oo Gollaha Amaanka uga warbixiyay Xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa Gollaha Amaanka u gudbiyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee dalka.

Warbixinta oo ka koobneed dhowr bog ayuu diiradda ku saaran Keating arrimo kala duwan oo dhowr ah, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Siyaasadda, iyo xaaladda Bani’aadanimo ee guud ahaan gayiga Soomaaliya.

-Amniga-

Keating ayaa wuxuu warbixinta ku sheegay in marka laga hadlo caqadda ugu wayn ee hadda ka taagan Soomaaliya inay tahay amaanka, oo uu sheegay inay halis ku yihiin Al-Shabaab, inkastoo uu qiray inay jiraan guulo la taaban oo halkaas laga gaaray.

Wuxuu kusoo hadalqaaday qoraalka uu gudbiyay dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, isagoona sheegay inay kamid tahay waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara Soomaaliya.

Keating warbixintiisa ma uusan kusoo hadalqaadin ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo dhowaan mar kale muddo kordhin loo sameeyay iyo sida xukuumada Soomaaliya uga go’an tahay inay ciidamada Midowga Afrika iga huleelaan dalka.

-Siyaasadda-

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa qoraalka uu gudbiyay wuxuu ku xusay in dowlada hada talada haysa tahay midii ugu fiicneed ee taariikhda siyaasada Soomaaliya, taasoo uu Nasiib wanaag, ku tilmaamay.

Wuxuu sheegay in dowladu ay ka go’an tahay sidii u xasilin lahayd siyaasadda, amniga iyo arrimo kale, oo uu hoosta ka xariiqay inay muhiim u yihiin dowladnimadda guud ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Keating ayaa wuxuu ku caddeeyay warbixinta uu Golaha u gudbiyay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay hadda tahay mid “xasiloon” inkastoo uu ku nuux-nuux saday inay jiraan caqabado culus oo ku horgudban dowladda hada talada haysa.

-Bani’aadanimada-

Keating ayaa warbixintiisa wuxuu aad uga deyriyay xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay meelo ay kamid yihiin waxbarasho la’aan oo uu tilmaamay inay fara kulul ku hayso dalka.

Wuxuu ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa meelahaas oo uu toosha ku ifiyay, isagoona sheegay in dhalinyarada iyo Ardayda Soomaaliya ay ka maqan yihiin adeegyadii muhiimka u ahaa.

Sikastaba, warbixinta uu Keating ugudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo inta badan isku jirta amaan, dhaliin iyo bogaadin ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka dowlada Federaalka iyo maamluda qaar ee dalka.

Inkastoo uusan kusoo hadalqaadin warbixinta, hadana waxay arrintaan imaaneysaa iyadoo maalintii shalay kadib kulan ay Beydhabo ku yeesheen madaxda maamulada dalka, war-murtiyeedna kasoo saareen ay eedaymo culus ugu jeediyeen dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM