Keating oo kulan gaar ah Kismaayo kula yeeshay madaxda maamullada

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ee Micheal Keating ayaa socdaal deg deg ah oo aanan horey loo shaacin ku tegay magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarka uu Keating ku tegay halkaasi ayaa imaanaya xili uu maanta ka furmay magaalada Kismayo shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, kaasoo qodobo xasaasi ah looga hadli doono mudada uu socda.

Shirkaan ayaa qodobadda looga hadlayo waxaa qayb ka ah; amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka sii xumaanaya ee maamuladda qaarkood kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo heerkii ugu hooseeyay hadda maraya.

Keating ayaa kulan la yeeshay madaxda maamul goboleedyadda kahor shirka Gollaha Iskaashiga, wuxuuna kala hadlay Ajandayaasha lagu gorfaynayo kulankooda, iyo xiriir xumo kala dhaxeysa madaxda qaar dowlada Federaalka.

Illo xog ogaal ah oo kulanka aad ugu dhow ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qodobadda laysla soo qaaday ay kamid yihiin xiriirka maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe, kaasoo hoos u dhac uu ku yimid mudooyinkii ugu dambeeyay.

Dhamaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda kala ah; Puntland, Jubbaland, HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dib uga soo biiray Wafdiga madaxweyniyaasha maamul goboleedyadda ayaa xaadir ku ahaa shirka ay Keating la qaateen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay suuragal ay tahay in shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda uu ka qaybgalo Micheal Keating, inkastoo wali aanan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyadda ku lugta leh shir madaxeedkaan.

Dowladda Federaalka ayaan wali ka hadlin shirka Kismaayo ku yeelanayaa madaxda maamuladda, iyadoo aysan horeyba uga hadal kuwii hore, laakiin waxaa lafahansan yahay inay sheeda sare kala socon doonta dhaqdhaqaaqyada shirka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM