​Keating oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa Kulan u muuqday inuu ahaa mid sagootin ah Villa Somalia kula qaatey Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid.

Keating waxaas shirkaas ku wehelinayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM Arrimaha Xuquuqul Insaanka Andrew Gilmour, oo booqasho ku joogo Muqdishu.

Ujeedka Booqashada Keating ee Villa Somalia ayaa waxay ahayd inuu Xasan Sheekh ugu mahadceliyay sidii uu u aqbalay guul-daradii Doorashada, una fududeeyay in awood si Nabad ah lagula kala wareego.

Waxa uu sidoo kale uu ugala hadlay Xasan Sheekh Sheekh Munaasabada Xil-wareejinta oo la filayo inay dhacdo Todobaadka soo socda, iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Dhanka kale, Keating ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxa'ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad Cabdalla, oo uga mahadceliyay kaalintooda Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagay Villa Somalia, isagoo kulan la qaatay Xasan Sheekh, oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan Xil-wareejinta.

Mudane Farmaajo ayaa hadda si KMG ah u degan Jazeera Palace hotel, halkaasi oo kusii sugnaan doono inta uu si rasmi ah ula wareegayo awoodda dalka iyo xafiiska Villa Somalia Todobaadka soo aadan.

Shaqada ugu horeyso ee laga sugayo Madaxweynaha cusub ayaa ah inuu wax ka qabto Abaaraha ka taagan dalka iyo amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM