Kenya oo ciidamo u daabushay Gedo xili ay jirto farogelinta Itoobiya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ciidamo aad u hubeysan oo horleh u daabushay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa laga soo xigtay in askarta oo ka yimid dhanka waqooyi barri lagu arkayo degaanadda ku teedsan xuduudka labadda dal.

Warbixinadda oo laga helay dadka degaanka ayaa soo jeedinaya in ciidamadda ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya ay farogelin ka waddo gobolka Gedo, iyadda oo fulineysa dalab ka yimid Villa Soomaaliya.

Ciidamadda xukuumadda Addis Ababa oo aan ka tirsaneyn AMISOM ayaa juujuub ku haya degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayay ka hor istaageen in uu gudaha u galo Beledxaawo, todobaadkii hore.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in ciidanka Kenya ay taageersan yihiin Maxamuud Sayid Aadan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Mandheera.

Dowladda Farmaajo oo xiriirka kala dhaxeeya Jubaland uusan fiicneyn ayaa damacsan in ay Gedo ka hirgeliso maamul sharci darro ah.

Maamulka Kismaayo ayaa horey wuxuu uga digay in gacma-gacmeynta wuxuuna codsaday in ciidanka aan AMISOM kamid ahayn ka baxaan gobolka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iska fogeysay eedeynta ah in ay adeegsaneyso ciidanka Itoobiya ayaa ku doodey in ay waddo diiwaan-gelinta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM