Kenya oo gudaha Soomaaliya ka raadinaysa "nin" dilay ganacsade

Image
Cabdinuur iyo dad kale oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen khaarijinta ayaa baxsad ah tan iyo bilowgii bishan.

NAIROBI, Kenya - Booliska degmada Mandheera ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dil loo geystay ganacsade ah kaasoo ka dhacay isla magaaladan, sidda laga soo xigtey Standard Media.

Xaajiyow Macalin Nuur ayaa lagu waramay in loo xiray tuhun ku saabsan in uu ku lug-leeyahay khaarijinta Haashim Cukash Maxamed oo 1-February-2023-ka la mindiyeeyay.

Sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI, waxaa weli la baadigoobayaa eedeysane kale oo lagu magacaabo Axmed Macalin Cabdinuur kaasoo looga shakisan yahay isla falkan.

Madaxa DCI-da Mandera, Gitari Muchira oo ay soo xigatay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Cabdinuur iyo dad kale oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka.

Cabdinuur ayaa la tuhunsan yahay inuu Soomaaliya u soo gudbay fiidnimadii February 1, 2023, ka dib geeridii ganacsadaha. Booliska ayaa sheegay in ay xiriir la sameynayaan mas'uuliyiinta Soomaaliya, si loo soo qabto, loona soo gacan geliyo.

Muchira ayaa intaas ku daray in C/maalik Cukash Maxamed oo la dhashay marxuumka uu isna ku dhaawacmay shilkaasi, kaasi oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Hay'adaha ammaanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir iyo iskaashi wadashaqeyn si gaar ah la dagaalanka falalka argagixisadda, dambiyadda abaabulan iyo ka hortagga ganacsiga sharci daradda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM