Kenya oo gudaha Soomaaliya ka raadinaysa "nin" dilay ganacsade

Image
Cabdinuur iyo dad kale oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen khaarijinta ayaa baxsad ah tan iyo bilowgii bishan.

NAIROBI, Kenya - Booliska degmada Mandheera ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dil loo geystay ganacsade ah kaasoo ka dhacay isla magaaladan, sidda laga soo xigtey Standard Media.

Xaajiyow Macalin Nuur ayaa lagu waramay in loo xiray tuhun ku saabsan in uu ku lug-leeyahay khaarijinta Haashim Cukash Maxamed oo 1-February-2023-ka la mindiyeeyay.

Sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI, waxaa weli la baadigoobayaa eedeysane kale oo lagu magacaabo Axmed Macalin Cabdinuur kaasoo looga shakisan yahay isla falkan.

Madaxa DCI-da Mandera, Gitari Muchira oo ay soo xigatay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Cabdinuur iyo dad kale oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka.

Cabdinuur ayaa la tuhunsan yahay inuu Soomaaliya u soo gudbay fiidnimadii February 1, 2023, ka dib geeridii ganacsadaha. Booliska ayaa sheegay in ay xiriir la sameynayaan mas'uuliyiinta Soomaaliya, si loo soo qabto, loona soo gacan geliyo.

Muchira ayaa intaas ku daray in C/maalik Cukash Maxamed oo la dhashay marxuumka uu isna ku dhaawacmay shilkaasi, kaasi oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Hay'adaha ammaanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir iyo iskaashi wadashaqeyn si gaar ah la dagaalanka falalka argagixisadda, dambiyadda abaabulan iyo ka hortagga ganacsiga sharci daradda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM