Kenya oo martigelinaysa Shir ku saabsan Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wufuud ka kala socota dalalka Bariga Afrika (EAC) ayaa shalay oo Isniin ahayd magaalada Nairobi uga billowday shir socon doona muddo toddobaad ah, kaasoo looga hadlayo dajinta qorshe dhammaystiran oo Soomaaliya ay uga mid noqonayso ururka.

Xoghayaha guud ee EAC Veronica Mueni Nduva oo si rasmi ah u daah furtay kulanka ayaa ku dheeraatay marxaladaha taariikhiga ah iyo muhiimadda uu leeyahay qorshaha ku biiritaanka Soomaaliya ee midowga.

Nduva ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii March 2024 kadib markii ay si rasmi ah u buuxisay shuruudaha ku biiritaanka oo looga dhawaaqay magaaladda Arusha, ee dalka Tanzania.

"Kulanka waxa uu muujinayaa guul muhiim ah oo laga gaaray safarkan, iyadoo la waafajinayo geeddi-socodyada qaranka Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka gobollada si loo xaqiijiyo is-dhex-gal dhammaystiran," ayay tiri Xoghayaha EAC.

Gelitaanka Soomaaliya ee EAC waxa uu dalka u sahli doonaa in uu ka faa’iidaysto mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, jidadka tareenada iyo tamarta.

"Mashruucyadan waxay ujeedadoodu tahay in la wanaajiyo isku xirka, kor u qaadista isku xirka gaadiidka, iyo kor u qaadista ganacsiga gobolka, ugu dambeyntiina lagu taageerayo horumarinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka Soomaaliya," ayay hadalkeeda raacisay Nduva.

Abdusalam Hadliye, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada wadajirka ah ee dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaabeeyo khariidad xaqiijinaysa in Soomaaliya ay si hufan uga mid noqoto EAC.

Soomaaliya ayaa diyaar u ah inay dirto ka mid noqon doona golaha sharci dejinta ee EAC, isla markaana ay u magacawdo garsoore ka tirsan qaybta darajada koowaad ee maxkamadda caddaaladda ee Bariga Afrika, taasoo sii xoojinaysa go’aankeeda ku aaddan hannaanka is-dhexgalka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM