Kenya oo War kasoo saartey baajinta Xafladdii CC Shakuur

Image

NAIROBI, Kenya - Aadan Barre Ducaalle, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka hadlay go'aankii lagu joojiyay xafladdii lagu soo dhaweyn rabey Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Ducaalle oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba aqbali doonin in dalkeedu uu noqdo meel looga duulo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiya Madaxweyne Farmaajo.

"Sharciga Kenya ma qorayo in xisbi kale oo ajnabi ah oo xisbiyadda dalka ka jira aan ahayn uu shirar ku qabsado oo wadan kale dowlad ka jirta lagu burburiyo," ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya lagu amray inay joojiyaan Xafladdii maanta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay doonayeen inay kusoo dhaweeyaan Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Wuxuu sheegay inuu jiro amar ka soo baxay madaxda sare ee dowladda Kenya oo mamnuucaya dhamaan shirarka siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo ay ku qabanayaan Nairobi.

"Dowladda Kenya waa dowlad aqoonsan jiritaanka dowladda hadda ka talisa Soomaaliya, dowladdaasi waxay xubin ka tahay Midowga Africa, waxay xubin ka tahay IGAD, waxay xiriir la leedahay dalalka Geeska Africa, ma ogolaanayno in wadankeena uu noqdo meel looga duulayo," ayuu yiri Ducaalle.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle ayaa ah shaqsiga gadaal ka riixaqaya in Kenya ay joojisay shirarka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan ku fekerka ahayn dowladda federaalka ku qabsanayaan Nairobi.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa eeda baaqashada xafladda dusha uga tuurey dowladda Federaalka oo uu sheegay inay beegsi ku hayso siyaasiyiinta isaga uu kamid ah ee dhaliilsan Siyaasadeeda. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM