Kenyaan xiriir la lahaa Daacishta Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay

Image
Shida Msanzu ayaa la qabtey isaga oo doonayay in uu usii talaabo waddanka Congo.

NAIROBI, Kenya - Nin Kenyan ah oo xiriir la lahaa xubno kamid ah Daacishta Soomaaliya ayaa lagu qabtay Tanzania waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta argagixisanimo, sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga ah.

Shida Msanzu oo markii labaad lagu soo oogay dacwad la xiriirta falal argagixisanimo ayaa la sheegay in uu uruurinayay xog si uu u fuliyo weerar iyo in uu haystey "aaladaha u sahlayay falkaas xagjirnimo".

Isagoo ka soo hor muuqday garsooraha sare ee maxkamada Boaz Ombewa, Msanzu ayaa waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu xubin ka yahay koox argagixiso ah.

Maxkamadda ayaa waxay dhegeysatay in 3-dii Abriil, 2023 lagu qabtay Bukoba, Tansaaniya isaga oo wata taleefoon gacanta ah oo ay ku jiraan muuqaallo xag-jirnimo ah.

Eedeysanaha ayaa lagu waramay in uu qirtay fal-dambiyeedka ah in uu xubin ka yahay kooxda ISIL ee kasoo shaac-baxdey markii ugu horeysay wadamadda Suuriya iyo Ciraaq.

28-jirkan ayaa la qabtay xili uu isku dayay inuu u gudbo Uganda, waxaana la rumeysan yahay inuu doonayay inuu Congo kaga biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Gobalka Bartamaha Afrika ee (ISCAP).

Booliisku ayaa waxay rumaysan yihiin in uu Tanzania kasoo galay dhinaca xuduudka dala Kenya December 29, 2022 isla markaana mudadaas uu qorsheynayay qorshaha safarkiisa ilaa laga soo xiray.

Baarayaasha ayaa aaminsan in uu xiriir joogto ah la lahaa dagaalyahano kale oo ka kala yimid Soomaaliya, Mozambique iyo DRC. Msanzu waa qofkii saddexaad oo Kenyan ah oo loo xiro falal argagixisanimo oo la xiriira dalka Congo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM