Keydkii ugu weynaa ee hubka Al-Shabaab oo la qabtey [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya, Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaacisay in ciidamada ay heleen keydkii ugu weynaa ee hubka iyo qaxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab.

Shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabatey, Zakiya ayaa sheegtay in booliska ay kasoo sareen god weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha kasoo saareen hub kala duwan, waxyaabaha qarxa, bambooyin, suumanka la isku qarxiyo rasaas, fiilooyin iyo agab kale.

Howlgalka oo dhacay shalay ayaa ka dambeeyay markii dadka degaanka ay kusoo wargeliyeen laamaha amniga dowladda in keydka hubka Al-Shabaab uu ku jiro meel kamida Ceelasha Biyaha, sida ay sheegtay Zakiya.

Waxaa la qiyaasayaa in uu ahaa keydka hub ee ugu weyn ee Al-Shabaab-ka ka howl gala Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Hubka iyo agabka kale ee lasoo saarey ayaa u muuqday kuga duugoobey, oo halkaasi mudo dheer ku jiray, iyadoo aan jirin illo madax-banaan oo xaiijinaya in agabka la qabtey ay leedahay Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaan wali hubka dhigisa lagu sameyninin hogaamiye kooxeedyadii hore iyo qabaa'ilka iyadoo meel walba oo kamid ah dalka laga heli karo hub iyo waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado, oo qaarkood mar hore dadkii lahaa ay dhulka ku aasteen.

HALKAN KA DAAWO ZAKIYA OO KA WARBIXINAYSA HUBKA LA QABTEY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM