Keydkii ugu weynaa ee hubka Al-Shabaab oo la qabtey [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya, Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaacisay in ciidamada ay heleen keydkii ugu weynaa ee hubka iyo qaxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab.

Shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabatey, Zakiya ayaa sheegtay in booliska ay kasoo sareen god weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha kasoo saareen hub kala duwan, waxyaabaha qarxa, bambooyin, suumanka la isku qarxiyo rasaas, fiilooyin iyo agab kale.

Howlgalka oo dhacay shalay ayaa ka dambeeyay markii dadka degaanka ay kusoo wargeliyeen laamaha amniga dowladda in keydka hubka Al-Shabaab uu ku jiro meel kamida Ceelasha Biyaha, sida ay sheegtay Zakiya.

Waxaa la qiyaasayaa in uu ahaa keydka hub ee ugu weyn ee Al-Shabaab-ka ka howl gala Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Hubka iyo agabka kale ee lasoo saarey ayaa u muuqday kuga duugoobey, oo halkaasi mudo dheer ku jiray, iyadoo aan jirin illo madax-banaan oo xaiijinaya in agabka la qabtey ay leedahay Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaan wali hubka dhigisa lagu sameyninin hogaamiye kooxeedyadii hore iyo qabaa'ilka iyadoo meel walba oo kamid ah dalka laga heli karo hub iyo waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado, oo qaarkood mar hore dadkii lahaa ay dhulka ku aasteen.

HALKAN KA DAAWO ZAKIYA OO KA WARBIXINAYSA HUBKA LA QABTEY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM