Mahdi Guuleed oo ka jawaabay hadal kasoo yeeray William Ruto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay in uu kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya, William Ruto.

Isagoo ka hadlayey munaasabad Arbacada maanta ah lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, Guuleed ayaa sheegay in Nairobi ay dooneyso in doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ay kusoo saarato murashax iyadda taageereysan.

Balse Guuleed oo daacad u ah madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo kaasoo uu saadaaliyey in uu wareega koowaad kusoo bixi doono coddeynta ayaanan caddeynin goorta iyo goobta uu Ruto kaga dhawaajiyey hadalkaas.

"Waxaan doonayaa in aan u jawaabo oo fursadaan uga faa'iideysto madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo maalin dhaweyd yiri 'Soomaaliya waxaanu kala macaamili doonaa cid cusub oo aan soo saari doono' waad kawada dhagarsaneydeen warkii uu ugu waramay oo uu ugu khudbadeeyay dadkiisa in ay rabaan in ay Soomaaliya madaxweyne ka dhigaan qof ay iyaga soo cumaamateen oo ay rabaan in ay meesha dhigtaan oo iyaga u adeega," ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray: "Waynaan ogeyn William Ruto iyo dadka la ra'yiga ahi oo dowladaha jaarka qaarkood noqon kara ama ahiba in Soomaaliya ama Soomaaliduba ka gudubtay waqtigii mas'uuliyeed waddan yeelan jiray ku shaqeyn jiray fekerka dalkaa".

"Dowlad kasta oo ina soo faragelisaa way ku khasaari doontaa, damacooda gurracanna waa lumi doonaa ama ha noqoto Kenya, ama ha noqoto Itoobiya ama dal kasta oo kale," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Bishii September, 2020, isagoo u waramaya Weru TV, William Ruto ayaa sheegay in xayiraadda maandooriyaha Khaadka ay kala xaajoon doonan Soomaaliya kadib doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda ee dalka kusoo fool leh.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa khaadka u joojisay sababo ku aadan ka hortagga fayruska Corona, balse waxay u bedeshay in ay u adeegsato dano siyaasadeed oo ay Kenya kula gorgortanto.

Danaha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya drabtay in ay ku bedalato xayiraadda Khaadka waxaa kamid ah in Kenya ay siyaasiyiinta mucaaradka aysan dalalkeeda ku shirin, hasayeeshee, waxaa muuqaneysa in ay ku fashilantay arrintaas.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa madaxa iskula jiray sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ay isku hayaan arrimo ay kamid tahay dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ taasoo sanadka dambe go'aan kasoo saareysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM