Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti

Image
AUN Khadiija ayaa maalmahan ku xanuunsanayd dalka Jabuuti.

JABUUTI (GO) - Waxaa goordhow la shaaciyay geerida Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd wafdi hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi barre ee ku sugan dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa maalmahan la ildaraneyd xanuun, sida ay Warsidaha GaroweOnline ay u xaqiijiyeen mas’uuliin ka mid ah wafdiga la socday.

Marwo Khadiija ayaa sanadihii lasoo dhaafay soo qabatay xilal kala duwan, iyada oo 20 sano ka badan soo ahayd Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka JFS.

Ra’iisul Wasaaraha hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa 2014kii, u magacaabay Marwo Khadiija Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka,

Waxay sidoo kale soo noqotay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre intii u dhaxaysay March 21, 2017 iyo October 2020.

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana u magacaabay Khadiija Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, kadibna waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumaddii Xamza Cabdi Barre.

Madaxda dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, iyaga oo dhambaal tacsi ah u diray Ehelka iyo qaraabada ay ka dhalatay Marxuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM