Khadiijo Diiriye oo iska difaacay eedaha guriga agoonta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka xukuumadda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka ku xeeran guriga ay agoonta leeyihiin ee ay degan tahay.

Mrs Diiriye oo u warantay telefishinka maxaliga ah ee Somali Cable ayaa ku nuux-nuuxsatay in ay "bixiso" kirada guriga ayna marsiiso "wadada saxda ahayd".

Mulkiilaha guriga, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee Booliska Soomaaliyeed, ayay carabka ku dhufatay in ay iyadda u wakiishay in ay kirada siiso qoys kamid ah labada reer ee marxuumka uu ka geeriyoodey.

Xilli aysan si toos ah carabka ugu dhufan, Khadiija ayaa ka shanqarisay in uu jiro is-qabqabsi la xiriira kirada iyo qeybsiga dhaxalka oo u dhaxeeya laba qoys.

"Anigu dhaxal ma qeybiyo. Illaa ay ka heshiinayaan aniga sidii aan kula balamay [Jeneraal Abshir] iyo wadadii uu u yiri lacagta isoo mari ayaan marinayaa," ayay xustey. "Marka la ii yimaado ayaan soo saarayaa waraaqaha [caddeynta]".

Bishii October ee sanadkii hore 2020 ayay ahayd markii qoyska marxuumka oo uu u hadlay wiil uu dhalay laguna magacaabo Cismaan iyo wakiilkooda ayaa saxaafada u sheegay "in Khadiija ay afar sano xoog kaga haysato gurigooda".

Xilli ka dhawaajiyeen in mudadaas aysan bixin kirada una qaylo-dhaamiyeen madaxda dowladda federaalka, qoyska ayaa dalbadey in gurigooda looga saaro Khadiija.

Gurigaan la isku haysto ayaa dadkii lahaa ku kala nool yihiin magaalada Garowe iyo dibadda, waxaana uu ku yaala nawaaxiga taliska booliska ee Muqdisho.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, Khadiija oo guriga bishii ku degan sideed boqol oo Doolar isla markaana si sanad ah u bixisa ayaa kireysatay sanadkii 2013 illaa 2014-kii, waxaana ay waqtigaas ahayd Wasiirka Haweenka Soomaaliya.

Boobka guriyaha gaar ahaan kiisaska ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiinta dowladda ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, iyaddoo go'aanada hay'addaha garsoorka ay yihiin qaar aan dhaqan-gelin iyo kuwa ka gaabiya cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM