Khasaaraha dhimasho ee uu sababay qaraxii Muqdisho oo kordhay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faaf-faahino ayaa laga helay qaraxii xalay fiidkii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan maqaayad u dhaw garoonka diyaaradaha, kaasoo dhawaqiisa si weyn looga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shaqaalaha gurmadka deg-deg ah ayaa sheegay in Qaraxa ay ugu yaraan ku nafwaayeen sideed qof halka dhaawacana uu gaaray ilaa 10 qof.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka, kuwaas oo xiray agagaarka maqaayadda ay musiibadu ka dhacday.

Wali laamaha amaanku kama hadal qarax. Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen waa mid degan. Maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in uu cambaareeyay.

Maqaayadda la qarxiyey oo lagu magacaabo Gelato Divino ayaa lagu iibiyaa mac-macaanka siddda Ice Cream-ka, waana mid camiran habeenkii. Ma cadda sababta loo beegsaday hasayeeshee, waxaa la sheegayaa in waqtigaas uu joogay sarkaal ka tirsan hay'adda NISA.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, siyaasiyiin iyo murashaxiin madaxweyne ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan uu fliyey naftii-halige.

"Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen dhallinyaradii iyo dadkii lagu xaquusay qaraxii caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Gelato Devino," ayuu yiri murashax Xasan Cali Khayre.

Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku daray: "Waa maalin kale oo madow, waa maalin kale oo murugo leh, waana maalin kale oo guryo badan oo Soomaaliyeed laga dareemayo xanuunka geerida. Tani waxey mar kale na xusuusineysaa muhiimada ay leedahay inaan hal meel uga soo wada jeedsanno, si wadajir ahna aan ula wada dagaalanno cadowgan nala nool ee ku hawlan xasuuqa ummadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo da´yarta soo kaceyso".

"Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay garab istaagaan qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada maanta la gumaaday, ayna taageero u muujiyaan xaaladaan lasoo daristay awgeed," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Is-qarxintan ayaa imaaneysa iyaddoo caasimadda ay isku diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda kaasoo ay su'aallo dul-hooganayaan hadii ay waqtigooda ku dhacayaan maadaama is-qabqabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM