Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Suuqa Bakaaraha oo kordhay

Image
Dadka geeriyoodey ayaa u badan ganacsato lahayd mehradaha lagu iibiyo agabka elektaroonika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Talaadadii shalay ahayd gudaha suuqa aadka u mashquulka badan ee Bakaaraha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib qaraxyo dhowr ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah, dhimashadda ayaa u badan ganacsato lahayd mehradaha lagu iibiyo agabka elektaroonika kuwaas oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Saddex kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ka badan 20 qof oo dhaawac ah la keenay xaruntooda.

Lama oga sababta ka dambeysay qaraxyadan, inkastoo kooxda Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab ay si joogto ah qaraxyo uga fuliyaan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Balse, saraakiisha ammaanka waxa ay caddeeyeen in ay waddaan baaritaan ku saabsan waxa sababay weeraradan halka dadka qaarkood ay sheegayaan in ay ka dhasheen hoobiyeyaal.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo Midowga Afrika (AU) ay u xilsaaran yihiin.

Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan ganacsato, waxaana inta badan dadka ku dhaqan ay maalin walba ka iibsadaan cunnada, dharkooda, dawooyinkooda, qalabka elektaroonigga ah iyo agabka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM