Khasaaraha duqeymo lala eegtay Al-Shabaab oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa soo bandhigay tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan duqeyn dhanka cirka oo Jimcada todobaadkii hore uu ka fuliyey koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkaas dhacay 1-dii Janaayo, 2021 ayaa lagu ekeeyay xarun Idaacad oo maleyshiyada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay bayaanka AFRICOM oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, howlgalka oo ahaa laba duqeyn diyaaradeed ayaa lagu dilay saddex dagaalame oo Al-Shabaab ah waxaana ku dhaawacmay mid kale.

AFRICOM ayaa intaas ku dartey in duqeynta ay ku burburisay lix dhisme oo ay Al-Shabaab lahayd mid kalena ay si gaar ah u waxyeeleysay.

War-saxaafadeedka ayaan lagu carabaabin waxay xoogaga gacansaarka la leh ururka argagixisada Al-Qaacida ku qaban jireen dhismeyaasha.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in dhismeyaasha ku burburay duqeynta ay ku jirto xaruntii Idaacada Al Furqaan oo kamid ah saxaafada ku hadasha afka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Baraha internet-ka ee taageera maleyshiyadda ayaa faafiyey sawirro ay ku sheegayaan dhismaha iyo qalabka Idaacadda oo burbur xoogan uu ka muuqdo, wallow ay xuseen in aysan jirin dagaalameyaal uga geeriyooday "maadaama waqtiga duqeynta ay ku beegneyd Salaadda Maqrib".

"Waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo uu ku jiro oday waayeel ah oo dhaawaciisu aad u daran yahay iyo haweenay," ayay faafiyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin duqeyntan. AFRICOM wali kama jawaabin sheegashada waxyeelada shacabka, wallow ay balanqaadeen in ay baarayaan hadii sheegasho soo baxdo.

Taliska AFRICOM ayaa horey ugu eedeeyay warbaahinta Al-Shabaab faafinta macluumaadyo been abuur ah oo ku saabsan duqeymaha ay kula eegtaan gudaha Soomaaliya "si ay u wiiqeen ololaha balaaran ee lagula jiro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM