Khasaaraha geerida qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulobarde oo kordhay

Image
Magaalooyinkan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xudun u ahaa gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

BEELDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo Sabtidii ka dhacay dowlad goboleedka Hirshabeelle ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Magaalada Buulobarde oo qiyaastii 220-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof.

Qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari SUV ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa rasaas kala kulmay ciidamada ammaanka ka hor inta uusan gaarin hadafkiisa, balse wuxuu isku qarxiyay meel u dhow saldhig boolis iyo saldhigga ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Jabuuti oo ka yimid Jabuuti.

"Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qaraxa in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen - 30 ka mid ah xaaladoodu liidato," ayuu Yuusuf Isaaq Muumin, oo ah sarkaal caafimaad oo ku sugan magaalada, u sheegay VOA-da.

Waxa uu raaciyey hadalkiisa: "Waxaan hadda u direynaa Muqdisho kuwa aadka u dhaawacmay maadaama isbitaalka maxalliga ah uusan awood u lahayn inuu kiisaskooda halkan ku maareeyo."

Dhinaca kale qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday koontarool ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Jalalaqsi oo qiyaastii 160-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Mid kale ayaa ku dhawaad ​​isku mar goobta ka baxay markii saraakiisha amaanka ay toogteen darawalkii gaariga. Labadan qarax ayaa daqiiqado gudahooda ku dhacay.

“Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay ayaa ku qarxay meel ku dhow koontaroolka. Qof kale oo ismiidaamiyay ayaa gaari ku qarxiyay meel ku dhow iskuul. Ugu yaraan afar qof oo meyd ah ayaan indhahayga ku arkay, balse tiradu intaas way ka badan kartaa,” ayuu VOA u sheegay Mire Xuseen Siyaad, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Jalalaqsi.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah kontaroolka ayaa waxa uu ku dhow yahay xarumaha dowladda hoose iyo saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Jabuuti.

Jalalaqsi iyo Buulobarde ayaa ah magaalooyin ganacsi oo muhiim u ah beeralayda oo ku teedsan jiinka webiga Shabeelle, sidoo kale waa magaalooyinka labaad iyo saddexaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan lagana abaabulayay dabar-goynta Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM