Khasaaraha ismiidaamintii huteelka Gaalkacyo oo la shaaciyey

Image

GAALKACYO, Galmudug – Ugu yaraan todoba qof ayaa ku geeriyootay, tirro kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax lagu weeraray huteel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, sidda uu shaaciyey bileyska.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari uu wadey qof isa soo miidaamiyay. Goobjoogeyaal waxay sheegeen in gaariga qarxay uu ku dhacay gaari ciidan oo yaalay afafaafka hore ee huteelka.

Huteelka la beegsaday wuxuu shir uga socday Taliyaha Ciidamadda Lugta Soomaaliya iyo saraakiil kale. Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Daahir wuu ka badbaaday falkaas.

Saraakiil uu ku jiro Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi [Qooje] ayaa ku jira dadka badbaaday weerarkaas, sidda laga soo xigtay warbaahinta.

Todobada qof ee dhimatay ayaa isugu jira askar, shacab wadada marayey, haween iyo rag mehrado ganacsi ku lahaa nawaaxiga huteelka, sidda ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Al-Shabaab, oo gacansaar la leh Al-Qaacida, ayaa dusha saarata mas'uuliyadda falalkan noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Koonfurta Gaalkacyo waxaa ka jira maamul hoostaga dowlad goboleedka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Xaaf, oo dhankiisa soo saarey war uu ku cambaareynayo falkaan argagixiso.

Taliye Cabdixakiim Maxamed Daahir Dirir xilka loo magacaabay bishii October ee sanadkan 2019 ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu gobolka Mudug u joogay nabadeynta beelo dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM