Khasaaraha madaafiicda lagu duqeeyay Dhuusamareeb

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro askari ayaa lagu waramay in ay dhaawacyo kasoo gaareen hoobiyeyaasha xalay saqdii dhexe lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo qaybo kamida magaalada.

Dhaawacyadda ayaa xaaladooda lagula tacaalayaa goobaha caafimaadka ee caasimadda Galmudug, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo xog ogaal ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkaas loo adeegsaday madaafiicda.

"Ku dhowaad 30 daqiiqo ayay si xiriir ah ugu dhacayeen magaaladda hoobiyeyaasha," ayuu yiri wariye madaxbanaan oo u waramay mareegga GO.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli magaaladda ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah iyo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha maamulada.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la filayaa in ay maanta ku biiraan magaaladda halkaa soo la filayo in uu maanta ka furmo shirka wadatashiga.

Inkasta oo ciidamadda ay waddaan howlgalo ay nabad-gelyadda ku xaqiijinayaan, haddana weerarka madaafiicda ayaa tooska ku ifinaya in ay jirto baahi weyn oo loo qabo iskaashi looga hortagayo suurtagalnimadda falal kale oo dhici kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM