Fahfaahin ku saabsan qaraxii wadada Maka Al Mukarama [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay nawaaxiga hotel Wehliye ee magaaladda Muqdisho, durhumadii maanta oo Khamiis ah.

Liibaan Axmed, sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, ayaa u sheegay Garowe Online, in qaraxu ka dhacay kasoo horjeeda maqaayadda Bilsan oo ku teedsan isgoyska Dabka ee caasimada.

Ugu yaraan 3 saddex ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay ku dhimatay dhacdadaasi, xili tirro intaasi ka badan oo dhaawacmay loola caray isbitaal, sida laga soo xigtay Kabtan Liibaan.

Khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto, sidda uu ka dhawaajiyay Liibaan, kaasi oo sabab kaga dhigaya in aysan jirin tiro koob rasmi ah oo laga sameeyay waxyeeladda.

"Gaari nooca raaxada ah ayaa sababay qaraxa … burburka hantiyadeed ayaa ka dhashay," ayuu raaciyay Liibaan, kaasi oo ka gaabsaday in uu cayimo bartilmaameedka qaraxa.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxaan oo qayb ka ah kuwa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika.

Todobaadkaan kaliya Muqdisho waxaa ka dhacay in ka badan 5 qarax, kuwaasi oo mid kamid ah lagu beegsaday xarun ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud halkaasii lagu dilay 15 shaqsi.

Al-Shabaab oo Muqdisho ka fulisa weeraro noocaan ah tan iyo markii ay ciidamada AMISOM ka saareen 2011-kii ayaa la sheegay in ay todobaadyadii u dambeeyay soo gelisay magaaladda gaadiid miineysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Taageerada Masar iyo Ku Soo Biirista Hawlgalka Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee Masar.

  • Soomaliya

    22-09-2025

  • 11:20AM

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM