Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Qarax loo adeegsaday xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Somalia.

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa lagu qaaday Guriga Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Deyniile Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ilaaladda Gudoomiyaha ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen Ciidanka Gudoomiyaha ilaaladda u ah ay ku geeriyootay Haweenay saarneyd Mooto Bajaaj, oo mareysay agagaarka guriga weerarka lagu qaadey.

Gudoomiyaha Deyniile ayaa la sheegay inuu ka badbaadey weerarka, oo u muuqday mid loogu talo-galay in isaga lagu khaarijiyay, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Saraakiil booliska dowladda katirsan.

Jacfar ayaa kamid ah gudomiyeyaal dhowr ah oo aan habeenkii seexan degmooyinka ay madaxda ka yihiin, kuwaasoo seexda degmooyinka kale ee amniga ka jiro, sababo la xirrira cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM