Mas'uuliyiin Turki ah oo dil kaga badbaaday caasimadda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacantay kadib qarax Khamiista maanta ah ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay isgoyska KM5 ee magaalada caasimada ah.

"Qaraxa ayaa ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari nooca aan xabadda karin oo yaalay agagaarka isgoyska Zoobe," ayuu yiri Cali Daahir Axmed, oo ah kabtan ka tirsan ciidanka Booliska.

Bukaanada ayaa la sheegay in ay ahaayeen macalimiin u dhashay Turkiga. Shaqalahan ayaa la shaqeynayey hay'adda Maarif Foundation oo maamusha dugsiyo ku yaala in ka badan 30 dal.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkan oo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Dhinaca kale, darawalkii waday gaariga ayaa ka badbaaday falkan.

Arbacadii, qarax Miino oo askar lagula eegtay xaafada Taleex ayaa lagu khaarijiyey saddex xili lagu dhaawacay ku dhowaad afar kale.

Duleedka Muqdisho isla Arbacadii, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda ayaa ka badbaaday qarax kolanyo uu la socday lagu beegsaday.

Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyootay falkaasi. Labadda dhacdo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa shaaca ka qaadey in ay iyaddu ka dambeysay uuna ka badbaaday Shuute.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM