​Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Goob-weyn oo qiyaastii 13KM u jirta magaalada Kismayo aya lagusoo waramayaa in lala eegtay meherad inta badan fariistaan ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka shay weerarkaas, inkastoo aan la hayn tirada rasmiga ah.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, waxayna shaaciyeen inay dileen 3 kamid ah ciidamada Jubbaland halka dhawaca ay sheegteen 8 askari.

Balse goob joogayaal la hadlay GO, ayaa xusay in weerarkaas sidoo kale waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha amniga maamulka Jubbaland.

Xaaladda deegaanka Goob-weyn ayaa iminka dagan.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli maamulkaasi uu gobolka Jubbada hoose ka waday howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kadib markii ay deegaanadaas ka gaysteen dhibaatooyin ka dhan ah dadka shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM