Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Raadeerka, degmadda Dayniile ee Muqdisho.

Mas'uuliyiinta amniga ayaa xaqiijiyey in qaraxa oo ka dhex-dhacay guri ay degan yihiin dad shacab ah uu ka dhashay walxo qarxa oo ay ku cayaarayeen caruur.

Cabdullaahi Macalin Aadan Maxamuud, oo ah marxuumka isla markaana ahaa 9-jir, ayaa lagu waramay in uu walaxdaas kasoo qaadey nawaaxiga gurigooda isla markaana kadib uu dhowr jeer garaacay.

Lama ogga hadii goor dhowr lasoo dhigay halkaas iyo in ay ahayd haraadiga hub hore oo goobta looga tegay maadaama aagaas ay tahay meel joogitaanka ciidamadda ay u badan yihiin.

Dhamaan dhaawacyadda oo isbitaal la dhigay ayaa ahaa gabdho laba kamida la dhashay Cabdullaahi oo magacyadooda lagu sheegay Xafsa iyo Iqro, halka gabadha kale oo ilmo adeer yihiin la yiraahdo Caa'isha.

Qoyska ay dhibaatadan ku dhacday ayaa caan ka ah xaafadaas, waxaana aabahooda Macalin Aadan Maxamuud uu halkaas ku leeyahay Dugsi Qur'aan. Isagoo si kooba u hadlay, wuxuu muujiyey siduu uga xun yahay.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in degaanada Soomaalida laga soo wariyo falal noocaan ah oo ay waxyeelo kasoo gaartey caruur; marka laga soo tago waxyalaaha qarxa, meelaha qaarkood miinooyin baa ku qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM