Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Raadeerka, degmadda Dayniile ee Muqdisho.

Mas'uuliyiinta amniga ayaa xaqiijiyey in qaraxa oo ka dhex-dhacay guri ay degan yihiin dad shacab ah uu ka dhashay walxo qarxa oo ay ku cayaarayeen caruur.

Cabdullaahi Macalin Aadan Maxamuud, oo ah marxuumka isla markaana ahaa 9-jir, ayaa lagu waramay in uu walaxdaas kasoo qaadey nawaaxiga gurigooda isla markaana kadib uu dhowr jeer garaacay.

Lama ogga hadii goor dhowr lasoo dhigay halkaas iyo in ay ahayd haraadiga hub hore oo goobta looga tegay maadaama aagaas ay tahay meel joogitaanka ciidamadda ay u badan yihiin.

Dhamaan dhaawacyadda oo isbitaal la dhigay ayaa ahaa gabdho laba kamida la dhashay Cabdullaahi oo magacyadooda lagu sheegay Xafsa iyo Iqro, halka gabadha kale oo ilmo adeer yihiin la yiraahdo Caa'isha.

Qoyska ay dhibaatadan ku dhacday ayaa caan ka ah xaafadaas, waxaana aabahooda Macalin Aadan Maxamuud uu halkaas ku leeyahay Dugsi Qur'aan. Isagoo si kooba u hadlay, wuxuu muujiyey siduu uga xun yahay.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in degaanada Soomaalida laga soo wariyo falal noocaan ah oo ay waxyeelo kasoo gaartey caruur; marka laga soo tago waxyalaaha qarxa, meelaha qaarkood miinooyin baa ku qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM