Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyoodey, dhowr kale oo askar u badan way ku dhaawacmeen kadib markii xalay bam-gacmeed lagu weeraray ciidamadda nabad-gelyadda magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ammaan.

Ciidanka la beegsaday oo fariisin waxay ku leeyihiin xaafadda Buunda-weyn ayaa lagu waramay in ay rasaas fureen kadib weerarka taas oo dhalisay waxyeeladda dadka rayidka ah oo ka akdhowaa meesha ka dhaceen.

Dableyda bam-gacmeedka gantay ayaa lasoo wariyey in ay goobta ka baxsadeen isla markii falku dhacay mana cadda in lagu soo qabtey howlgalo ay tan iyo xalay ay ciidamaddu ka sameynayaan xarunta gobolka Hiiraan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab, haddana waxaa gobolka Hiiraan muddooyinkii dambe ka jirtay Jabhad kasoo horjeeda hogaanka rabitaanka Villa Soomaaliya ku yimid ee HirShabelle.

Jabhadaas waxaa hogaaminaya Jeneraal lagu magacaabo Caare kaas oo taageereyaashiisa ugu baaqay in ay gacanta ula tagaan laamaha ammaanka Beledwayne, talaabadaas oo abuurtay xasarad xooggan.

Todobaadkii hore, maxkamadda Beledwayne ayaa sii deysay dad ay haween ku jiraan kuwaas oo lagu xiray banaan-baxyo ay taageereyaasha Caare qaban-qaabiyeen laguna diidanaa maamulka Cali Cabdullaahi.

Xasilooni daradda Beledwayne ayaa su'aal gelineysa sidda loogu qaban karo doorashooyinka xulista mudaneyaasha baarlamaanka heer federaal maadaama ay kamid tahay labada degaan doorasho ee HirShabelle u asteysay in lagu soo xuli doono Xildhibaanadda labada aqal ee nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM