Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyoodey, dhowr kale oo askar u badan way ku dhaawacmeen kadib markii xalay bam-gacmeed lagu weeraray ciidamadda nabad-gelyadda magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ammaan.

Ciidanka la beegsaday oo fariisin waxay ku leeyihiin xaafadda Buunda-weyn ayaa lagu waramay in ay rasaas fureen kadib weerarka taas oo dhalisay waxyeeladda dadka rayidka ah oo ka akdhowaa meesha ka dhaceen.

Dableyda bam-gacmeedka gantay ayaa lasoo wariyey in ay goobta ka baxsadeen isla markii falku dhacay mana cadda in lagu soo qabtey howlgalo ay tan iyo xalay ay ciidamaddu ka sameynayaan xarunta gobolka Hiiraan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab, haddana waxaa gobolka Hiiraan muddooyinkii dambe ka jirtay Jabhad kasoo horjeeda hogaanka rabitaanka Villa Soomaaliya ku yimid ee HirShabelle.

Jabhadaas waxaa hogaaminaya Jeneraal lagu magacaabo Caare kaas oo taageereyaashiisa ugu baaqay in ay gacanta ula tagaan laamaha ammaanka Beledwayne, talaabadaas oo abuurtay xasarad xooggan.

Todobaadkii hore, maxkamadda Beledwayne ayaa sii deysay dad ay haween ku jiraan kuwaas oo lagu xiray banaan-baxyo ay taageereyaasha Caare qaban-qaabiyeen laguna diidanaa maamulka Cali Cabdullaahi.

Xasilooni daradda Beledwayne ayaa su'aal gelineysa sidda loogu qaban karo doorashooyinka xulista mudaneyaasha baarlamaanka heer federaal maadaama ay kamid tahay labada degaan doorasho ee HirShabelle u asteysay in lagu soo xuli doono Xildhibaanadda labada aqal ee nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM