Khasaaro xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay Koonfur Galbeed

Image
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday madaafiic xooggan, waxaana ka dhashay khasaare aan la ogeyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Axadii waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo.

Iska-hor-imaadkan ayaa ku soo aadaya todobaad un kadib markii ciidamada Soomaaliya ay dib ugala wareegeen degmada Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, labada dhinac ayaa isku adeegsaday madaafiic xooggan, waxaana ka dhashay khasaare aan la ogeyn.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegeen deegaanka Goofgaduud Buurey kadib markii Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen.

Dagaalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada xoogga dalka ay howlgal ballaaran ka sameeyeen xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasi oo ay ku dileen ku dhawaad ​​100 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM