Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho oo laga warbixiyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhimatay qarax ismiidaamin ah, oo saakay ka dhacay bar contarool oo ku taalla Ex-control Afgooye, ee galbeedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari ayaa la sheegay in lagu weeraray xafiiska canshuurta ay ku qaadaan ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobta xilligaasi ahayd mid mashquul badan.

Gaadiid badan oo shacab ay la socdeen ayaa goobta ku burburay, waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qaraxa Injineero u dhashay Turkiga oo ka shaqeynayay dhimaha wadada dowladda Qatar maalgelinayso ee caasimadda ku xirta Afgooye.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamida Muqdisho, iyadoo sawirada laga soo qaadey barta-koontarool ay muujinayaan burbur iyo gaaduud gubtay, waxaana halkaasi ay gaadiidka gurmadka kasoo qaadeen meydadka iyo dhaawacyada.

Arday Jaamaceed ayaa lagu soo waramayaa inay kamid yihiin khasaaraha qaraxa. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ku dhawaad 90 qof, balse wali lama xaqiijin tiradaas.

Duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish, ayaa tilmaamay in dhimashadda ay aad u badan tahay, wallow uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tiradda guud.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo noqonaya midkii 3aad oo sanadkaan lala beegsado Ex-koonatrool Afgooye, halkaasi oo lagu qaado casnhuur sidoo kalena lagu baaro gaadiidka ka yimaada gobollada Koonfurta ee soo gala Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM