Khatar ka dhalata Wabiga Shabeelle oo laga digay [Akhriso]

Image
Image

JOWHAR, Somalia- Qoraal kasoo baxay hay’adda FOA qaybteeda la socodka cimilada iyo biyaha [SWALIM] ayaa lagu sheegay inay khatar xooggan kusoo fool leedahay qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.

Hay’adda ayaa sheegtay in todobaadka dhammaadka ah iyo kan soo socda Roobab laxaad leh ka da’ayaan dhulka jooga sare ee Ethoipia iyo qaybo kamid ah Somalia, taasna ay ka dhalan karto Daadad kusoo rogmada wabiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wabiyadan ay samayn doonaan fatahaad sababta barakac iyo bur-bur soo gaara dalagga.

Wabiga Shabeelle ayaa hay’addu qirtay inuu gaysan doono saamaynta ugu badan islamarkaana ku fatahi doono degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay.

Waxay intaas ku dartay Warbixintu inaan laga cabsi qabin Fatahaad uu sameeyo Wabiga Jubba.

Roobabka fatahaada samayn doona ayaa saadaashu sheegaysaa inay da’ayaan inta u dhaxaysa 16-23 bishan.

Wabiga Shabeelle ayaa inta badan sameeya fatahaad, maadama ay kusoo rogmadaan biyaha ka yimaada buuraladay dalka Ethiopia, waxaana dhibaato xoog leh kala kulma dadka ku nool gobollada Shabeellaha hoose iyo Dhexe ee Koonfurta Somalia.

Saadaashan ayaa kusoo aadaysa xilli horay gobolladaas ay uga jirtay saamayn xoog leh oo ka dhalatay abaartii ka dhacday Somalia,taasoo baabi’isay badi duunyo iyo dalag wixii ku dhaqnaa gobolka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Somalia xilli baaqan oo ku taariikhaysan 17 bishan uu soo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM