Khatar kusoo wajahan Soomaaliya oo qaylo-dhaan laga soo saarey

Image
Qaramada Midoobay oo baaqan soo saartey ayaa waxa ay codsatay in degdeg wax looga qabto qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Roobabka culus ee ka da'aya Soomaaliya ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan ilaa 1.5 milyan hektar (3.7 milyan acres) oo dhul-beereed ah, sidda ay sheegeen hay'adaha sahanka.

"Kadib markii ay soo food saartay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, Soomaaliya waxa ay hadda la tacaaleysaa fatahaado aan horey loo arag muddo qarni ah," ayuu yiri madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths.

Griffiths waxa uu sheegay in saameynta isbeddelka cimiladu ay tahay "mid aan sinnayn, iyadoo waddammada aan mas'uulka ka ahayn ay la kulmayaan dhibaatadda ugu badan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Griffiths ayaa waxa uu intaas sii raaciyay "tani waxay u baahan tahay in la beddelo". Qoraalkan ayuu ku shaaciyay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Iyadoo dalka uu la kacaakufayo sidii uu ula tacaali lahaa fatahaadaha, ayaa qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada ee 2023-ka ee Soomaaliya, oo lagu doonayo $2.6 bilyan oo lagu caawinayo ilaa 7.6 milyan oo qof ayaa weli ah mid aad u liidata oo gaaraya 39%, iyadoo la dalbanayo in si degdeg ah wax looga qabto farqiga dhaqaale.

Soomaaliya waxay ku dhawaaqday "xaalad bini'aadantinimo oo heer qaran ah" daadadka awgeed. Hase ahatee, gurmadka la gaarsiinayo dadka tabaaleysan ayaa aad uga hooseeya filashadda dhamaan dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM