Khayre oo la kulmay taliyeyaal kadib rasaaseyntii Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan degdeg ah isagu yeeray taliyeyaasha laamaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb, kadib markii xalay magaaladda ay ka dhacday is-rasaaseyn culus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka qeybgalay shirka albaabada u xirnaa, kaasoo wararku ay sheegayaan in lagu magacaabey gudi baaritaan ku sameeyay shaqaaqadii xalay dhacday taasoo ay ku dhaawacmeen saddex askari.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo malleeshiyaad, ayaa isku rasaaseeyay afaafka hore ee xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka Ahlu Sunna iyo Xildhibaanno, iyadoo wali aan la ogeyn sababta ka dambeysa iska hor-imaadka.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay duulaan kusoo qaadey xarunta Madaxtooyadda u ah ee Inji, halkaasi oo maalmihii dambe ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashadda maamulka Galmudug.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya gudiga farsamada ay dowladda Soomaaliya u magacawday iyo Ahlu Sunna kadib markii labada dhinac ku murmeen soo xulista 20 Xildhibaan oo la siiyay Ahlu Sunna, kuwaasoo qaabkii loogu qeybiyay beelaha dhaliil laga keenay.

Ahlu Sunna oo awood badan oo military ku leh Galmudug ayaa dhawaan heshiis la gashay dowladda, kaasoo dhigaya inay 20 kursi ay ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Galmudug, oo ka koobnaan doona 89 Xildhibaan.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa tagey shalay gelinkii dambe magaaladda Dhuusamareeb, si uu u dardargeliyo arrimaha doorashooyinka, oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimid, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee la degay Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM