Khayre oo amray Diblomaasiyiin inay degdeg usoo galaan dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda ayaa lagu faray mas'uuliyiinta, iyo diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan inay si deg deg Muqdisho ugu soo laabtaan.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo lagu soo xigtay Bayaanka ayaa lagu sheegay in amarka uu isaga bixiyay kadib markii ay cabooshin kala duwan kasoo gaartay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Sudan.

Fahfaahinta cabashadda laguma xusin war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse warar leysla dhex-marayo ayaa tilmaamaya inay salka ku hayso eedaymo ku saabsan wax is dabamarin baahsan oo madaxda Safaarada lagu soo eedeeyay.

"Cabashada waxay Ardayda wax ka barata Sudan usoo gudbiyeen RW Khayre kulankii uu la qaatay markii uu ku sugnaa dalkaas booqashadiisii ugu dambeysay ee uu Sudan ku yimid," waxaa sidaas yiri masuul magaciisa ka gaabsaday oo dowlada ka tirsan.

Sii haayaha xilka Safiirka Soomaaliya ee Kharuum, Diblumaasiyiinta dalka u jooga Sudan iyo xubnaha Safaaradda ayaa guud ahaan lagu amaray inay si deg deg ugu yimaadaan caasimadda dalka ugu badnaa 19-ka bisha Agoosto ee 2018.

"Mas'uuliyiinata waxaan ka codsaneynaa inay ilaaliyaan waqtiga oo ay ku yimaadaan Magaaladda Muqdisho," ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka ay Wasaaradda soo saartay maanta oo Sabti ah, kaasoo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha GO.

Dad Soomaaliyeed oo isugu jirta Arday, Qaxooti, Ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa ku nool dalka Suudaan oo kamid ah wadamada caalamka ku yaala ee qaabilay Soomaalida ugu badan markii uu dalku dagaalkii sokeeye, kaasoo haatan laga soo kabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM