Khayre oo baaq soo saarey kadib qaraxii ismiidaaminta ee xeebta Liido

Image
Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Khayre oo tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in aysan soo laaban weerarada noocaan ah isla markaana ay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.

Waxaan ka xumahay oo aan cambaareynayaa qaraxyada ay argagaxisadu [xalay] ku weerareen shacabkii ku fiidsanayay xeebta Liido.

Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo shacabkii ku shahiiday weerarkan, caafimaadna siiyo dadka ku dhaawacmay. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehellada iyo asxaabta dadkii qaraxyadan ku shahiiday. 

In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah.

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM