Khayre oo baaq soo saarey kadib qaraxii ismiidaaminta ee xeebta Liido

Image
Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Khayre oo tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in aysan soo laaban weerarada noocaan ah isla markaana ay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.

Waxaan ka xumahay oo aan cambaareynayaa qaraxyada ay argagaxisadu [xalay] ku weerareen shacabkii ku fiidsanayay xeebta Liido.

Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo shacabkii ku shahiiday weerarkan, caafimaadna siiyo dadka ku dhaawacmay. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehellada iyo asxaabta dadkii qaraxyadan ku shahiiday. 

In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah.

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM