Khayre oo bedelay mowqifkiisa doorashadda Soomaaliya ee 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bedelay mowqifkiisa ahaa in doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaan ay kawada heshiiyeen daneeyeyaasha, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Khayre oo aragtidiisa tirro laba jeer ah ku caddeeyay kulanka Golaha Wasiiradda ayaa tan iyo markii uu ka degay caasimadda Galmudug ee Dhuusaamareeb ka shaqeynaya meelmarinta damaca Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa shirar gaar ah oo Dhuusamareeb uu kula yeeshay hogaanka HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ugu soo bandhigay in ay taageeraan qorshaha dowladda talada haysa.

Kulamadaas ayaa dhacay maalin kadib markii madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ay Garowe u tageen Aaska madaxweynihii hore ee Puntland iyo ra'iisul wasaarihii hore ee dowladii ku meelgaarka ahayd.

Dhowr illo wareed ayaa u xaqiijiyey mareega GO in Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Laftagareen aysan soo dhaweyn dalabka kaga yimid Khayre.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, Khayre ayaanan murashax ahayn doorashooyinka soo aadan, taas bedelkeeda, wuxuu xusul-duub ugu jiraa sidii uu mar kale usoo laaban lahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta iyo shacabka Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay rajeynayeen in hadaladii horey uga soo yeeray Khayre ee ku saabsanaa doorashooyinka ay horseedi doonan isbedel marka la isugu yimaado Dhuusamareeb.

Villa Soomaaliya ayaa si ku celcelisa ah u sheegtay in ay dooneyso in cod-bixinta 2020-21 ay noqoto qof iyo cod. Balse, maamulada oo ku shiray Dhuusamareeb waxay horaantii bishaan July isku raaceen in ay dhici karin.

Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay in habka lagu aadayo doorashooyinka soo aadan ay noqoto mid heshiis siyaasadeed laga gaarey.

Sababaha loo cuskanayo in doorasho qof iyo cod aysan dalka ka qabsoomin karin waxaa kamida dastuurka oo aan la dhameystirin, amniga, Al-Shabaab oo dhul badan haysata iyo shuruuc aan diyaarsaneyn.

Madaxda dowlada federaalka ah ayaa u muuqda in ay bilaabeen olole siyaasadeed oo ay taageero ugu raadinayaan qorshahooda doorashada 2020-21 "si ay waji-gabax uga badbaadiyaan shirka guud ee dhowaan bilaabanaya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM