Khayre oo daah-furay mashruuc uu Mareykanka ku bixinayo 1.6 mliyan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku bixinaysa US $1.6 Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada.

Dhallinyarada ka faa'iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM