Khayre oo difaacay olalaha musuqa loogu xiray mas'uuliyiinta DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu difaacay olalaha ay waddo dowladda kaasoo lagu xirayo masuuliyiin, kuwaasoo lagu soo eedaynayo masuq-maasuq iyo lun-sashadda Hantida Qaranka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda oo hadal ka jeediyay munaasabadda Maalinta Dhalinyaradda aduunka ee 12-ka Agoosto oo lagu qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo wax is-dabamarin lagu helo.

"Hadii aad tahay Wasiir ama cid kale oo xil u haya dowladda, oo aad ku fekerayso inaad lun-sato Hantida Qaranka, waan kuu sheegaynaa ina adan Calfan doonin. Dowladda Soomaaliyeed way ka go'an ka dagaalanka musuq-maasuqa," ayuu Khayre xusay.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmayaa xili todobaadyadii udambeeyay uu xawaarre sare ku socday olalaha dowladdu kusoo xireyso masuuliyiin sarre oo dowladda ka tirsan, kuwaasoo musuq-maasuqa iyo ku tagri falka Hantida Qaranka lagu soo eedeeyay.

Inta la ogyahay waxaa haatan ku jira xabsiga saddex mas'uul oo ka tirsan dowladda kuwaasoo labo kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska, halka shaqsiga kale oo uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka.

Intaas waxaa dheer, inuu jiro Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasoo shaqa joojin lagu sameeyay dhwaan kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, islamarkaana todobaadkii hore looga yeeray Maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM