Khayre oo fariin cusub u diray ciidamadda Soomaaliya

Image
Dhawaqa ra'iisul wasaarihii hore ayaa imaanaya xilli khilaafka Madaxtooyada iyo xukuumada uu xoogeystay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxwayne, Xasan Cali Khayre, ayaa ugu baaqay ciidamadda Soomaaliya in ay dhex-dhexaad ka noqdaan xaalada dalku galay.

Khayre oo maanta shir jaraa'id ku qabtey xaruntiisa ololaha ayaa sidoo kale wuxuu ciidanka uga digay "in ay dhiig faraha la gelin iyo in inaanay dumin ilayska yar ee dalkan usoo baxay".

"Ciidamada amaanka iyo kuwa qalabka sida, waxaan uga digayaa in aanay dhiig faraha la gelin, in inaanay dumin ilayska yar ee dalkan usoo baxay, in inaanay goyn gacmaha shacabka cashuurta laga qaado oo iyaga mushaarkooda lagu bixiyo, in aanay barakicin, hooyooyinkooda, ubadkooda iyo maatada aan waxba galabsan, in aanay markale niyad jebin shacabka Soomaaliyeed iyo in aanay kala eryin dunida inoo so gurmatay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "In halkan inaan lasoo gaaro waa ayaan darro aan horayy uga dignay. Maanta waa maalintii aad u dhaarateenteen in laydinku baxsado. Waa maalintii aad ka fogaan lahaydeen in aad qof u adeegtaan".

Dhanka kale, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayuu ku eedeeyay in odaytinimadda uu ka doortay "in uu ka doortay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu dhacay Soddomeeyo sano ka kor".

"Waana cadahay halka uu dalka u wado waayo  waxaa muuqata in uu  go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas," ayuu hoosta ka xariiqay Khayre oo haatan xubin ka ah Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda.

Ugu dambeyntii, madaxda maamul goboleedyadda ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay kasoo qeybgalaan shirka golaha wadatashiga qaranka ee qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo Muqdisho 27-da bishan December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM