RW Soomaaliya oo Hanjabaad kaga jawabey War-murtiyeedkii Kismaayo [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay hadal ka jeediyey kulan Muqdisho ka dhacey ayaa si dadban hadal ugu direy madaxda maamulada goboleedyada kuwasoo warmurtiyeed ku aadan xaalada siyasadeed ee Dalka Soomaaliya kasoo saarey magalaada Kismaayo.

Hadalka Khayre oo ku soo beegmey waqtiga warmurtiyeedka soo baxey ayaa yiri “ Hadii aad arki jirteen markii is-jiid jiid yimaado In madaxdu Niyad Jabto madaxda idin hortaagan ma aha kuwaas.”

“Haday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan maalmaa la qeyqeylinaya ama buuq siyaasadeed baa dhacaya sidaa daraadeed  Madaxda qolkeedii bay ku laabanaysa, waxaan idiin ballan qaadaya in aan idinla mari doono illaa meesha u danbeysa aan tegi doono," Ayuu yiri RW Khayre isagoo miiska garaacaya.

Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo ay dhinac taagan tahay Wasiirada Dhaliyarada iyo Isboortiga ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri  “ Waxaan soo jeedinaya inaan meel ugasoo wada jeesano shacab iyo Dowladdba kuwa doonaya in ay dumiyaan waxa yar ee inoo dhismay, waa inaan qofka aan doorano oo Madaxda inoo ah oo Madaxweynaheena iyo Guddoomiyaheena ay ugu horeeyaan iyo Wasiiradeena inaan siino fursad ay dalka wax ugu qabtaan”.

“Inaan ku bedelano dhaqankii ahaa anigu hadaanan wax helin dalkaa la duminaya, dalkaa kaa horeeya adiga! In aan ogaano in qofkasta, Xisbi kasta iyo Koox kasta ay ka weynyihiin, Jiritaanka Calanka, Nabadda iyo Dowladnimada," ayuu yiri Khayre.

Ugu dambeyntii Wasiirka Koowaad ayaa hadalkisa ku soo gabagabeeyey “Mar walba meel ayeey taariikhda ka billaabataa maantay oo ay tahay, 63 sano-guuradii kasoo wareegtay markii Calankeena dhidibada loo taagay, cida doonaysa in ay ka mid noqoto taariikhda cusub oo dalka laga sameyn doono, waxaan lee'ahay kaalay anaga nasoo raac.”

Jawaabta RW Khayre ayaa ku soo beegmaysa dhinaca kale xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo warsaxafadeed uu kasoo saarey warmutiyeedka Kismaayo isagoo  dad Soomaalida ugu baaqey midnimo iyo wada shaqeyn halka uu xusey In khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal. Halkaan ka akhri.

Hadalka Ra’iisul wasaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid aysan isku si u arkin sida loo xalinayo khilaafka siyasadeed ee u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka ah iyadoo dadka siyaasada la socda u arkaan ineysan isku Bog akhriyeen labadaan mas’uul.

Halkaan Ka Daawo Khudbada RW Khayre 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM