Khayre oo isku shaan-dheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiirada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa isku shaandheyn yar ku sameeyay Gollahiisa wasiirada, xili uu maanta oo Axad ah safar ugu ambabaxay dalka Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Daahir Maxmuud Geelle ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, taasoo lagu magacaabay xubno cusub oo Gollaha wasiirada kusoo biiray.

Xubna la magacaabay

1 -Cabdillaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada, waxaa xilkan laga qaadey dhawaan Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

2 - Xuseen Sheekh Maxamuud, Wasiirka Xannaanada Xoolaha,

3 - Sheekh Nuur Cali Xasan, ayaa loo magacaabay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isagoo laga soo wareejiyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4 - Cabdiqaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada [Villa Soomaaliya], waxaana xilkan laga qaadey Cabdiqaadir Maclin Nuur.

5 - Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda,

6 - Shawaqar Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa xilli Khayre uu xilka qaadis badan ku sameeyay wasiiro kamid ahaa Xukuumadiisa, taasoo lagu dhaliilay inay ka gaabis arrimo badan oo amniga ugu horeeyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM