Khayre oo Jawaari la kulmay kadib Dagaal Siyaasadeed [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay Hoygiisa booqasho gaaban ugu tagey Gudoomiyihii iscasilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Booqashada Khayre ayaa u muuqatay mid Is-cafin iyo Macsalaameyn ah, maadaama uu Jawaari kursiga ka dagayo wixii ka dambeeyay maalinta berri ah, oo Khudbadiisa Is-casilaadda ka jeedinayo Baarlamaanka.

Labada mas'uul oo ka muuqatay dhoola-cadeyn, ayaa is gacan qaadey kadib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Hoyga uu Jawaari ka degan yahay Aqalka Madaxyooyadda Villa Soomaaliya.

Lama oga waxa ay uga wada hadleen Kulankooda, oo ay imaanaya xilli lagu wado in saacadaha soo socdo lagu wado uu in Jawaari kahor hadlo Kulanka maanta ee Gollaha Shacabka.

Kulanka ayaa yimid kadib dagaal Siyaasadeed oo dhex maray Jawaari iyo Khayre kaasi oo ugu dambeyn lagu soo afjaray Is-casilaadda Gudoomiyaha Gollaha Shacabka. Jawaari ayaa sameeyay mudo ku dhaw hal bil iska-caabin xooggan.

Jawaari ayaa xilkan soo hayay mudo 5 sano ah, iyadoo markii labaad loo doortay horaantii sanadkii tagey kadib markii uu dhamaaday waqtigiisii hore ee uu soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaankii 9aad dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM