Khayre oo joojiyey fulinta mashruuc ay malaayiin Doolar ku baxeyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta joojiyey fulinta mashruuc ay malaayiin Doolar ku baxeyso, sidda ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Mashruucaan oo loo qoondeeyay 112 milyan oo Doolar ayaa qorshuhu ahaa in laga fuliyo magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe.

Wakaaladda wararka Qaranka ayaa sababta keentay hakinta mashruuca waxay ku tilmaamtay "in uu yahay mid aanan loo dhameyn".

Sidda laga soo xigtay SONNA, wasiirka koowaad ee xukuumada Muqdisho ayaa tibaaxay in mashruuca u baahan yahay dib u eegis lagana qeybgaliyo maamulada harsan.

Wararka ayaa sheegaya in hakinta ay timid markii ay mashruuca ay "cabasho xoogan ka muujiyeen Galmudug iyo HirShabelle aan qayb ka ahayn mashruucaan".

Sidoo kale, Somaliland ayaanan kasoo muuqan meelaha laga fulinayo mashruucan, oo aan wali la ogayn cidda maalgelineysa, wallow wararku sheegayaan in lacagta uu bixinayo Bangiga Aduunka.

Sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka ah, ujeedka mashruuca waa horumarinta magaalooyinka iyo dowladaha hoose.

Bayle ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalo madaxda dalka, halkaasoo fulinta mashruucan uu kaga saxiixay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM