Khayre oo joojiyey fulinta mashruuc ay malaayiin Doolar ku baxeyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta joojiyey fulinta mashruuc ay malaayiin Doolar ku baxeyso, sidda ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Mashruucaan oo loo qoondeeyay 112 milyan oo Doolar ayaa qorshuhu ahaa in laga fuliyo magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe.

Wakaaladda wararka Qaranka ayaa sababta keentay hakinta mashruuca waxay ku tilmaamtay "in uu yahay mid aanan loo dhameyn".

Sidda laga soo xigtay SONNA, wasiirka koowaad ee xukuumada Muqdisho ayaa tibaaxay in mashruuca u baahan yahay dib u eegis lagana qeybgaliyo maamulada harsan.

Wararka ayaa sheegaya in hakinta ay timid markii ay mashruuca ay "cabasho xoogan ka muujiyeen Galmudug iyo HirShabelle aan qayb ka ahayn mashruucaan".

Sidoo kale, Somaliland ayaanan kasoo muuqan meelaha laga fulinayo mashruucan, oo aan wali la ogayn cidda maalgelineysa, wallow wararku sheegayaan in lacagta uu bixinayo Bangiga Aduunka.

Sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka ah, ujeedka mashruuca waa horumarinta magaalooyinka iyo dowladaha hoose.

Bayle ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalo madaxda dalka, halkaasoo fulinta mashruucan uu kaga saxiixay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM