Khayre oo ka degay Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa gaarey magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG maamul goboleedka Jubbaland.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa wafdiga uu horkacayay wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xarun goboleedka Jubada Hoose.

Ujeedka socdaalka Khayre ayaa la fahansan yahay in uu yahay mid kamid ah natiijooyinka kasoo baxay wadahadalo u socday labada dhinac oo ka dhacay magaaladda Nairobi.

Inta uu ku sugan yahay degaanada Jubbaland oo maalmo ah, ayaa la rajeynayaa in uu ra’iisul wasaaruhu kulamo la yeesho Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale.

Wadahadaladda ayaa salka ku haya sidii loosoo gabagabeyn lahaa wadasheyn la’aan iyo khilaaf u dhaxeeya maamulka Kismaayo iyo madaxda Villa Soomaaliya.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada oo dhamaadka bishaan Maaj la rajeynayo in magaalada Garowe, caasimada Puntland uu ka qabsoomo shir wayn.

Shirkaasi oo madaxwayne Deni uu iclaamiyay ayna kasoo muuqan doona madaxda maamulada, kuwa federaalka iyo xubno kale ayaa la filayaa in lagu xaliyo is-marin-waaga dowlada iyo qaar kamid ah maamulada u dhaxeeya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM