Khayre oo ka hadlay dilka Ganacsade caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -Wiil dhalinyaro Ganacsade ah ayaa maanta oo khamiis ah lagu dilay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, oo mudooyinkii dambe dilalka khaarijinta uu kusoo kordhayay.

Dabley hubaysan ayaa toogasho ku dilay ninkan dhalinyarada ah, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Cali xilli uu kasoo dagay Gaarigiisa afaafka hore ee Makhaayadda Ispagetti House oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer.

Allah ha uu naxariistaa Maxamed ayaa dhaawac culus kasoo gaarey rasaastii Kooxda hubaysan ay ku toogteen, oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana uu waxyar kadib ku geeriyoodey Isbitaalka.

"Kooxo hubeysan ayaa rasaas huwiyeen Maxamed Sheekh Cali [Dable Pilot], xilli uu gaarigiisa dhiganayay Barxadda la dhigta Gawaarida ee Makhaayadda Spaghetti House," ayuu yiri qof goobjooge ah oo dhacdada la kulmay.

Marxuumka ayaa sanado kahor ka hirgeliyay Muqdisho Ganacsigii ugu horreeyey oo ah Doobbi [Laundry] sida casriga ah loogu dhaqo Dharka, gaar ahaan Jaakadaha.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka Marxuum Maxamed oo madax u ahaa Shirkadda Startup Grind, oo dhalinyarada Muqdisho ku dhiira-gelisa howlaha Ganacsiga, shirarna u qaban jiray.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa isagoo ku sugan Garoowe ka tacsiyadeeyay dilka ninkan dhalinyarada ah, isagoo ka diray tacsi, waxaana uu ugu baaqay shacabka iyoo laamaha amniga inay kawada shaqeeyaan kahor tagga dilalka.

"Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya Ubixii dalka," ayuu ku yiri Khayre bartiisa Twitter-ka.

Si kastaba, magalaada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe martigelinaysay dilal khaarijin ah oo loogu geesto magaalada Odayaal, Askar, Mas'uuliyiin iyo dad kale oo la shaqeeya dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM