Khayre oo ka hadlay qodob uu shaqada uga qaadey Wasiirkii Waxbarshada

Image

MUQDISHO-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda hadda jirta ay aqoonsan tahay xarumaha waxbrasho ee kala duwan ee ku yaala guud ahaan dalka, gaara ahaan magaaladda Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay u hayso "ixtiraam wayn" dhamaan Bahdda waxbrashadda Soomaaliyeed, si gaar ah xubno uu tibaaxay inay si gaar ah ugu istaageen kobcinta waxbrashadda intii dalka ku jiray burburka.

Wasiirka koowaad ee xukumadda Soomaaliya ayaa wuxuu ugu bishaareeyay ardayda ee wixii burburka dalka ka dambeeyay gudaha ka qaatay Shahaadooyin, iyo kuwa hadda dhigta inay dowladdu aqoonsan tahay.

"Waxaan u sheegayaa dhalinyaradda horey u qaadatay shahaadooyinka, iyo kuwa hada dhiganaya goobaha waxbrasho ee dalka ku yaala, in dowladdu aqoonsan tahay," ayuu Khayre ka sheegay hadalkaan kulan ka dhacay Muqdisho.

Balse, Khayre wuxuusan meesha ka saarin in loo baahan tahay in kor loo qaado tayadda hanaanka waxbarasho ee dalka, isagoo balanqaaday in xukuumadiisa diyaar utahay inay fuliso arrinkaas.

"Xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada dalka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo wasiirkii hore ee waxbrashadda C/raxmaan Daahir Cusmaan xilka looga qaadey kadib markii uu sheegey inuusan aqoinsaeyn xarumaha waxbarsho ee dalka xitaa tan dowlada maamusho.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay go'aan horey uga soo baxay xukuumadda oo ah in ciidamadda AMISOM ay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho ayaa ayiday, isagoo tilmaamay inuu dhawaan fuli doono

“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan sheegayaa inay dhawaan ka bixi doonan. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda cayaaraha gacanteeda lasoo geliyo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM